UCL: Isku Aad-ka Wareegyada quarter-final & semi-final ee Champions League.

Isku aad-ka wareegyada rubuc dhamaad-ka iyo afar dhamaad-ka ee horyaalka kooxaha Europe (UEFA Champions League) ayaa maanta oo Jumco ah lagu qaban doonaa magaalada Nyon, Switzerland.

Kooxaha Soo Gudbey:

  • Arsenal (England)
  • Atletico Madrid (Spain)
  • Barcelona (Spain)
  • Bayern Munich (Germany)
  • Borussia Dortmund (Germany)
  • Manchester City (England)
  • Paris Saint-Germain (France)
  • Real Madrid (Spain)

Kooxaha isku waddanka ah ma isku aadi karaan wareega 8da ee Champions League?

Haah, waa isku aadi karaan wareega rubuc dhamaad-ka ee horyaalka kooxaha Europe (UEFA Champions League) lama kala ilaalin doono kooxaha isku wadanka ka yimaada.

Sidee buu u dhacaya isku aadka rubuc dhamaadka Champions League?

Siddeed kubbadood oo ay ku jiraan magacyada kooxaha usoo gudbey wareega 8da ayaa la dhex dhigayaa dheri ayadoo la walaaqi doono. Kooxda laga soo hor saaro dheriga ayaa lugta horre ku ciyaari doonta gurrigooda.

Goorma ayaa la ciyaarayaa wareega 8da iyo semi-finalka?

Lugta hore ee rubuc-dhamaadka: 9/10 Abriil 2024
Lugaha labaad ee rubuc-dhamaadka: 16/17 Abriil 2024
Lugta hore ee Semi-finalka: 30ka Abriil/1 Meey 2024
Lugta labaad ee Semi-finalka: 7/8 May 2024

Kala soco isku aad-ka degal-ka daawashada ciyaaraha ee Fiirso Hada.

Ku Xirnoow FiirsoHada

X