UCL: Falanqeynta, Saadaasha Iyo Daawashada Kulanka Final-ka ee Dortmund vs Real Madrid.

Kulanka Final-ka champions League ayaa dhexmari doona kooxaha Real Madrid Iyo Dortmund tartanka ugu Tunka weyn.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya ku guulaysiga champions League 15-aad ee taariikhdooda.

Dhinaca kale kooxda Dortmund ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga koobka markii ugu horaysay.

Xogta Kulanka.

  • Kulanka: Real Madrid vs Dortmund.
  • Tartanka: Champions League.
  • Wakhtiga: 10:00PM (XGA)
  • Garoonka: Wembeley Stadium.

Falanqeynta Kooxaha.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 15-aad ee ay isaga hor yimaadaan Real Iyo Dortmund tartamada yurub iyada oo Real Madrid tahay kooxda ugu badan ee wajahda Dortmund 14 kulan ayay wada ciyaareen.

Dortmund ayaa kaliya badisay 3 kulan 14-kii kulan ee ay la ciyaartay Real Madrid tartanka champions League.

Kulankan ayaan noqon doona Final-kii 18-aad ee ay Real Madrid iska xaadirisay champions League iyaga oo ku guulaystay 14 ka mid ah.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ciyaaraysa Final-keedii 3-aad ee champions League.

Ku Xirnoow FiirsoHada